Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Sacuudiga (Sawiro)

Date:

(SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Sooamaliya Mudane Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo oo maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa gaaray Magaalada Jidda ee Dalka Sacuudiga.

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudiga ayaa Madaxweynaha iyo Wafdigiisa kusoo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha magaalada Jidda oo ay ka mid yihiin xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda iyo Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya Maxamed Bin Cabdul Fani Qiyaad.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu la kulmo Boqorka Dalka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis, iyaga oo ka wada hadlaya arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal.

Waa booqashadii Saddexaad ee Madaxweynaha Soomaaliya uu ka tago Dalka Sacuudiga. isaga oo booqashadiisa u horeysay ku tagay dalkaasi markii loo doortay xilka Madaxweyne, markaasi oo ay labada dhinac kala saxiideen heshiisyo wax ku ool ah.

Sidoo kale Bishii May ee sanadkaan ayey ahayd markii uu Madaxweynaha kaga qeybgalay Sacuudiga Shirkii u dhaxeeyay Donald Trump iyo hogaamiyaasha dalalka Islaamka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo kula la qaatay Duqa Magaalada Seattle ee dalka Mareykanka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho Mudane Amb. Maxamed Cali...

Wasiirka Warfaafinta iyo mas’uuliyiin kale oo booqday goob dalxiis oo ku taalla degmada Kaxda

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay Dib-u-dhiska Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo magacaabay Golaha Wasiirrada maamulkaas

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan...