Wasiirka dekedeha iyo Gaadiidka Badda oo ka qeyb gashay kulan looga hadlayey horumarinta Dekedaha dalka

Date:

Muqdisho (SONNA)  Kulanka oo looga hadlayey horumarinta dekedaha dalka ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, wasiir ku xigeenka wasaaradaasi, xubno matalayey qaar kamid ah dowlad goboleedyada dalka iyo masuuliyiin ka socday shirkad Jarmal ah oo kaalin kuleh qorshaha horumarinta dekedaha Soomaaliya oo uu maal galinayo Bankiga Aduunka.

Martin Goericke oo ka socday shirkadda Inros Lackner oo door ku leh qorshahan ayaa ugu horeyn sheegay in horey ay usoo qabteen tababro ay ka qeyb galeen xubno matalayey dowlad goboleedyada, kuwaas oo looga hadlayey hanaanka lagu hormarinayo dekedaha Soomaaliya.

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya Dr Maryan Aweys Jaamac ayaa sheegtay in lasoo gaba gabeeyey qorsha la doonayo in lagu hormariyo dekedaha dalka, islamarkaan Dekedda Muqdisho ay tahay mida ugu horeysa ee qorshahaasi lagu bilaabayo.

Dr Maryan Aweys Jaamac wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa tilmaamtay in arin lagu farxo ay tahay in mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya looga hadlo dalka gudihiisa, iyada oo taasi aaney horey u dhici jirin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa South Africa

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale Xarunta...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyeen heshiis is-af-garad u dhaxeeyo dowladaha Soomaaliya iyo Masar

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo tababar u soo xiray Cutubyo ka tirsan Gorgor

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...