Ra’iisul Wasaraaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay Gobolka Virgina ee Mareykanka

Date:

Virginia(SONNA) Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan Dalka Mareykanka  ayaa xalay gobolka Virginia kula kulmay qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka si uu warbixin uga siiyo xaaladda Dalka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Khudbad uu ka jeediyay magaalada Alexandria ee gobolka Virginia wuxuu kaga hadlay xaaladda guud ee dalka, iyo yoolka ay hiigsanayso Dowladda Soomaaliya.

Khudbadda oo ahayd mid dheer ayaa wuxuu kaga hadlay arrimaha Siyaasadda,Dhaqaalaha,Ammaanka iyo dib u dhiska Dalka Soomaaliya,wuxuuna sheegay in Dowladdu ay ku guuleysatay wax ka qabashada arrimaha Amniga,bixinta mushaaraadka ciidamada iyo shaqalaaha,oo uu Raiisul Wasaaruhu sheegay in ahmiyad weyn ay siisay Dowladda.

“Waxaan idin balanqaadaynaa in aan soo celino sharaftii iyo karaamadii uu lahaa dalka, Waa la dhaafay waqtigii dhexdhexaadnimada,waa la dhaafay , waqtigii xumaanta qofka in uu sheego oo laga aamusi jiray,waxaan rabaa in qofkasta uu ka qeybqaato hormarka dalka,aan ku wada shaqeyno astaantii ahayd hadii aadan wax u tarikarin dalkaada,wax dhibato ah ha ugeysanin,Soomaaliya waa dal Sharaf leh,waxaa ii muuqanaysaa Soomaaliya oo barwaaqo ah”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Wuxuu intaasi ku daray in Dowladdu ay ku guuleysatay in ay bixiso qeyb kamid ah deymihii dalka lagu lahaa isagoo xusay in ay bixiyeen lacag dhan 5.1 Billyan oo Dollar oo lagu lahaa Soomaaliya.

Raiisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in qurba joogta Soomaaliyeed dhamaantood looga baahanyahay in ay kaalintooda ka qaataan hormarka dalkooda hooyo,isagoo ugu baaqay in khibradooda iyo aqoontooda ay isugu geeyaan maadaama ay door ku leeyihiin horumarinta dalkooda hooyo.

Hadalka ra’iisul Wasaaraha ayaa yimid markii uu soo dhamaaday shirkii Golaha Guud ee QM oo uu uga qeyb galay magaalada New York halkaasi oo uu ka jeediyay khudbad dheer oo uu kaga hadlay arrimaha Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoonka labada Aqal oo kulan la qaatey Guddiyada dib-u-eegista Dastuurka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan...

Xidhibaan Qawdhan oo loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka 

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo La Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda...

Kulamo lagu xoojinaayo Amniga oo lagu qabtay Masagawaa 

Magaalada Masagawaa ee bariga gobolka Galgaduud ayaa martigelisay kulan...

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidamada Difaaca Deegaanka ee Gobolka Hiiraan ayaa xalay weerar...