Maamulada Galmudug iyo Puntland oo heshiis wada gaaray

Date:

Gaalkacyo (SONNA) Mas’uuliyiinta maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa maanta kulan ka yeeshay colaadda ka soo cusboonaatay qeybo ka mid ah gobolka, gaar ahaan dhanka miyiga.

Kulan ay isugu yimaadeen Guddoomiyeyaasha, Degmada, Gobolka iyo sarakiisha ciidanka ee Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa looga hadlay dagaal dhawaan ka dhacay dhulka miyiga oo dad xoolo dhaqato ah ay ku dirireen, waxaana si wada jir ah la isugu raacay in la joojiyo colaada, lana sii wado dadaallada Nabadeed ee lagu xalinayo Nabadgelyada Gobolka Mudug.

Madaxda labada dhinac ayaa ku isku afgartay heshiis ka kooban afar qodob, kuwaasi oo kala ah,

In si deg deg ah loo joojiyo colaadda ka soo cusboonaatay miyiga

In la dardargeliyo shirarkii Nabadeynta iyo Guddiyadii la magacaabay inay shaqeeyaan.

In la joojiyo hadalada abuuraya colaadda ee la isu marinayo Warbaahinta, saxaafadduna laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan haddii ay ka been sheegaan heshiisyada labada dhinac.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin ayaa...

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

Qaar ka mid ah Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Baarlamaanka...

Ciidanka Xoogga oo toogtay naftii hallige khawaarij ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda...