Hogaamiyaha Jarmalka oo markii afaraad guuleysatay

Date:

Muqdisho(SONNA) Hogaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel, ay xilkeeda ku soo laabatay markii afaraad ka dib markii ay ku guuleysatay cod bixinta doorashadii ka dhacday Dalkaasi maanta.

Waxaa xisbigeeda Christian Democrats uu dib ugu soo laabtay aqlabiyadda baarlamaanka Jarmalka kadib markii ay heleen 32.5% boqolkiiba codadkii doorashooyinka federaalka ee dalkaasi ka dhacay .

Xisbiga SPD ayaa ah xisbiga ugu weyn ee ay is hayeen kaasi oo heley 20% codadkii la tiriyay doorashadii ka dhacday dalkaasi,halkasi

Xisbiga midig fog ee AfD uu markii ugu horraysay soo galay baarlamaanka, waxaana  uu heley 13% cod.

Sida uu ku dhawaaqey guddiga doorashooyinka dalkaasi oo si rasmi ah goor dhow u shaaciyaya natiijada doorashada.

Doorashadan ayaa loo arkaa inay tahay mid muhiim ah sababtoo ah markii ugu horraysay tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka ayaa waxaa  lix xisbi ay kuraas ku yeesheen baarlamaanka Jarmalka ee Bundestag.

Banaan baxyo ballaaran oo lagu taageerayay doorashadaasi oo ay ku guuleystaay Angalo Markle ayaa waxaa ay ka dheceen magaalada Berlin ee caasimadda Dalka Jarmalka iyo magaalooyin kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SODMA oo Geneva kaga qayb galay madasha caalamiga Yareynta Khataraha iyo Musiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle iyo...

Guddoomiyaha jannaale: Cadowga Khawaarijta waan dabar jaraynaa

Ciidamada kala ah Xoogga dalka iyo Sirdoonka qaranka NISA...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka ugu hambalyeeyay...