Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddigii loo xil saaray go’aankii Golaha Wasiiradda

Date:

Muqdisho(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka  ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa kulan la qaatay guddi uu dhawaan u magacaabay in ay soo daraaseeyaan  Go’aan Golaha Wasiiradda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusman Jawaari ayaa Guddiga kula dardaarmay in ay howsha loo idmaday  u gutaan si hufnaan iyo daacadnimo asagoo ku dhiira geliyey in ay dardar geliyaan Howshooda.

Dhanka kale Guddiga dhawaan la magacaabay ayaa gudoomiye u Doortay   Xil Cali Xoosho guddoomiye ku xigeenC/risaaq Cumar Maxamed Halka  Hani Maxamed Aadan loo doortay Xogheyn, waxaana ay balan qaadeen in ay howsha loo xil saaray ay si wanaagsan usoo qiimeyn doonaan isla markaana warbixin lagu qanco ay kusoo celin doonaan Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xildhibaanada labada Aqal oo ansixiyey qaraar ku saabsan diidmada iyo ka-hortagga xadgudubka Israa’iil

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo...

Madaxweynaha JFS oo khudbad u jeediyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Dowladda Nayjeriya oo si adag u cambaareysay xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Nayjeeriya ayaa si cad u muujisay...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay Hindise Sharciyeedka Mamnuucidda Gudniinka Fircooniga

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...