Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddigii loo xil saaray go’aankii Golaha Wasiiradda

Date:

Muqdisho(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka  ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa kulan la qaatay guddi uu dhawaan u magacaabay in ay soo daraaseeyaan  Go’aan Golaha Wasiiradda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusman Jawaari ayaa Guddiga kula dardaarmay in ay howsha loo idmaday  u gutaan si hufnaan iyo daacadnimo asagoo ku dhiira geliyey in ay dardar geliyaan Howshooda.

Dhanka kale Guddiga dhawaan la magacaabay ayaa gudoomiye u Doortay   Xil Cali Xoosho guddoomiye ku xigeenC/risaaq Cumar Maxamed Halka  Hani Maxamed Aadan loo doortay Xogheyn, waxaana ay balan qaadeen in ay howsha loo xil saaray ay si wanaagsan usoo qiimeyn doonaan isla markaana warbixin lagu qanco ay kusoo celin doonaan Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo Beijing kaga qaybgashay shir looga hadlaya diyaar-garowga iyo ka-hortagga masiibooyinka

Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha waxaa maanta ka furmay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay dabaal-daga 1-da Luuliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka...

Muqdisho oo si weyn looga xusayo 1-da Luuliyo

Magaalada Muqdisho waxaa ka socota munaasabad weyn oo loogu...