Shacabka Jarmarlka oo u dareeraya doorashada dalkaas

Date:

Dalka jarmalka ayaa maanta waxaa ka dhacaysa codaynta doorashada guud, iyadoo xisbiyada siyaasaddu ay u loolamayaan hogaanka dalka.
Hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel ayaa saadaashu tahay in xisbigeeda Christian Democrats ay ku guulaystaan kuraas badan, taas oo ka dhigan inay markii afraad ku guulaysato hoggaaminta dalkaas
Balse waxaa haysta cadaadis kaga imaanaya kooxaha dhaleeceeya muhaajiriinta, iyagoo ku doodaya inay wadanka Ajnabi gacanta u galisay.
Hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel ayaa ku doodaysa inay wax badan ka qabatay dhaqaalaha dalka iyo inay gacan wayn u fidisay qaxootigii tirada badnaan ee dalkasi soo galay 2015-tii.
Xisbiga midig fog ee AfD ayaa isna la saadaalinayaa inay markii ugu horaysay ay xubno ku yeeshaan Baarlamaanka, isagoo mucaarad ku ah Angela Merkel.
Doorashadan ayaa ku soo aaday waqti xasaasi ah oo siyaasadda gudaha Jarmalka shacabku aragtiyo ka qabaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Shirweynaha Qaran...

Taliyaha Booliiska oo xariga ka jaray Dugsiga Qur’aanka ee Carruurta Agoonta

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo ka qeybgalay Barnaamijka Hindisaha Xirfadda Hal-Abuurka Sare

Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Abukaate Axmed Ciise...

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo yeeshay kulankoodii Toddobaadlaha ahaa

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo yeeshay kulankoodii...