Sacuudiga oo ka hadlay arinta Muslimiinta Rohingya

Date:

sagoo ka hadlayay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York oo uu ka socdo shirka golaha guud, ayuu wasiirka arimaha dibadda dalka Sacuudi Carabiya Caadil Aljubeyr, waxaa uu cambaareeyay siyaasada dowladda Myanmar ee caburineysa dadka Muslimiinta tirada yar ee Rohingya.

“Wadankeygu waxaa uu aad ugu walacsan yahay  isla markaana cambaareynayaa siyaasadda caburinta ah ee ka dhanka ah Muslimiinta Rohingya ee ay wado dowladda Myanmar,” ayuu yiri wasiirku.

Kumanaan qof oo kamid ah dadka Muslimiinta Rohingya ee wadanka Myanmar ayaa guriyahooda ay ka soo saareen ciidanka dalkaas, iyadoo dadka aad u badan oo qowmiyadaas kamid ah la laayay.

Xukuumadda Bangladesh  iyo hey’addaha gargaarka ayaa la daalaa dhacaya caawinta in ka badan 422,000 oo qof oo ah Muslimiinta Rohingya  kuwaas oo dalkaas gaaray tan iyo Aug. 25, markii ay bilowdeen weerarada ka dhanka ah dadkan.

Qaramada Midoobay, ayaa aaminsan in weerarada dadka Muslimiinta Rohingya lala beegsanayo ay yihiin kuwo isir sifeyn ah, sida uu dhowaan sheegay xoghayaha guud ee qaramada Midoobay Antonio Gutteres.

Dalalka caalamka Islaamka uu boqortooyada Sacuudiga hormuud ka tahay ayaa lagu dhaleeceeyay sida ay uga gaabiyeen in ay ka hadlaan dhibaatada iyo xasuuqa lagu hayo Muslimiinta Rohingya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Waxaa maanta Muqdisho ka furmay Shirka Labaad ee Kaabayaasha...

Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa digniin adag kasoo saaray sumcad-dil...

Taliyaha Ciidanka Dhulka :Dadka deegaanka ayaa sabab u ah in ciidanku ku jebiyaan Khawaarijta Ceeldheer

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi...

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

Jabkii isdaba joogga ahaa ee khawaarijta ka soo gaaray...