Safaarada Shiinaha ee Somalia ayaa 36’000 dollar uga deeqday dugsiga agoonta gabdhaha Bondhere ee Muqdisho

Date:

Muqdisho(SONNA)Safaarada Shiinaha ee Somaliya ayaa maanta oo Sabti ah uga deeqday agab waxbarasho, mid jiif iyo cunta asaasi ah oo qiimahooda ku fadhida lacag ka badan 36’000 oo dolar Mareykanka ah.

Maamulaha dugsiga Agoonta gabdhaha ee Boondhere, Nurta Maxamed Caddow ayaa uga mahad celisay dawladda Shiinaha, si gaar ah, safiirka u fadhiya Somaliya kaalmada muhiimka ah ee uu uga deeqay agoonta taasi oo ay sheegtay in wax weyn ka bedeli doonta aqoonta iyo nolosha gabdhahaasi.

“ Deeqda safaarada Shiinaha ina soo gaarsiisay waxa ay isugu jirta qalab xafiiseed dhamaystiran, computero, Miisas, Kuraas, farinjeero, camero, Sariiro iyo gogashooda oo dhameystiran,mashiinada biyaha iyo kan coppy-ga, iyo kan daabacaada, cunta asaasi ah iyo gaadiid”, Nuurta ayaa sidaa tiri.

Gudoomiyaha degmada Boondhere, Saynab Yuusuf  Wehliye ayaa aad u bogaadisay doorka safaarada Shiinaha ee caawinta gabdhaha agoonta ee Boondhari, iyadoo xustay in Shinaha iyo Soomaaliya ay leeyihiin xiriir saaxibtinimo oo aad u fog.

“ Aad buu u mahadsan yahay safiirka Shiinaha ee Somaliya, Shinaha wuxuu noo dhisay Tiyaatarka Qaranka, Cusbitaal Benaadir, Stadium Muqdisho iyo wadooyin, mashaariicdii uu ka fuliyey Soomaaliyana aad bay u tayo badan yihiin”, Sidaa waxaa tiri, Saynab.

Safiirka Shiinaha ee Somaliya, Qin Jian ayaa sheegay in ay sii wadayaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya ayna xoojinayaan xiriirka saaxiibtinimo iyo midka iskaashi ee laba dawladood.

“ Markii aan imid bishii Marso ee sannadkan, shakhsiyan waxaan dareemay oo aan arkay cirka oo buluug ah, biyaha oo cagaar, dadka oo hayo shaqo adag oo dib u dhiska dalkooda ah”, safiirka ayaa sidaa yiri.

Isagoo la dar-daarmayey carruurta gabdhaha agoonta ayaa yiri, “ Carruurta waa rajada iyo Mustaqbalka, waxan idin rajeynayaa in aad uga dadaashaan waxbashada, aad noqotaan kuwa karti leh oo qayb ka qaata dhismaha iyo hurumarka mustaqbal”.

Shinaha ayaa kordhiyey kaalmada uu siiya Soomaaliya, sida gar-gaarka beni’aadinimo, waxbarasho iyo fulinta mashaariicda hurumarineed, waxaana horaanta bishan uu siiyey deeq waxbarashada arday ka badan 50 oo u waxbarasho Shiinaha.

W.D: Maxamed Cisman Cabdi “Black Cobra”

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka wada gobolka jubbada Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Qeybta 43-aad iyo Kumaandooska...

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee BFS oo booqasho ku tagay Xarunta Cilmibaarista iyo Daraasaadka Maqaasid

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Daraawiishta Galmudug oo weeraray goob ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaatijta

Howlgal qorsheysan oo Ciidamada Daraawiishta Galmudug, gaar ahaan ururka...

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...