Ra’iisul Wasaare Khayre oo maanta khudbad jeedin doona iyo kulamo uu la yeeshey madaxda Wadamada Ciidamadooda Jooga Soomaaliya+Sawirro

Date:

Muqdisho(SONNA) Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa maanta la filayaa in uu khudbad dhinacyo badan taabanaysa uu ka jeediyo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey kaasi oo haatan ka soconaya magaalada Newyorka ee Mareykanka.

Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu khudbadiisa uu ku soo bandhigo xaaladda Soomaaliya, dhinacyada Ammaanka,siyaasadda Dhaqaalaha iyo arrimaha bani,aadanimada,isagoo taageero weydiisan donna beesha Caalamka oo shirkaasi ku sugan.

Dhanka kale Kulan saxaafadda loo diiday ayuu Ra’iisul Wasaare Hassan Ali Kheyre iyo wafdigiisa la qaateen madax ka socota wadamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya kuwaas oo sida xubnaha dowladu noo xaqiijiyeen ka wada hadlay arrimo la xariira Xoojinta xariirka wadamadaas ay la leeyihiin Soomaaliya, Horumarinta howlgalada ka dhanka ah Nabad diidka iyo sidii loo heli lahaa ciidamo Soomaaliyeed oo la wareega amniga dalkooda.

Madaxdii ay la kulmeen wafuudda dowladda Soomaaliya waxa ay qireen in Soomaaliya ay ka soo kabanayso xaaladihii adkaa ee ay soo martay isla markaana uu muuqanayo isbedal dhaxal gal ah, iyaga oo balan qaaday in ay is garab taagi doonaan dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare oo ka hadlay shir ay hoggaaminayeen dowladaha Soomaaliya,UK, Talyaaniga, iyo Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay dowladdiisu ay muhiim u tahay kaalinta ay beesha caalamku kaga jirto soo celinta ammaanka iyo xasilooni dhab ah oo Soomaaliya ka dhacda, hase ahaatee ay xukuumaddiisu xoogga saarayso sidii ay u kobcin lahayd dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo in ay u furantahay Soomaaliya Maalgashi caalami ah.

Shirarkii uu Ra’iisul Wasaare Khayre ka qeybgalay waxaa ka mid ahaa shir looga hadlayay Abaaraha iyo ka hortaga misiibooyinka dabiiciga ah, waxa uuna ka sheegay in Hay’adaha samafalka qaarkood ay sheegaan in aysan ka howlgalikarin ama tagi karin Soomaaliya  khataro dhinaca ammaanka ah oo jira awgood, Taas oo uu ku tilmaamay mid ka hor imaanaysa in la samafalo malaayiin dad ah oo u bahan taageero dhab ah.

Waxa uu xusay in xaaladda Soomaaliya ay dhinacyo badan ka soo kabanayso  gaar ahaana amniga, loona baahanyahay in aan isha laga fiirsan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha shacabka oo la magacaabay

Guddoomiyaha Kmg ah ahna Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Hoggaamiyaha K/Galbeed oo xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil uu hoggaaminayo Taliyaha CXD

Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo magacaabay Afhayeenka Wasaaradda

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa Laba-Xiddigle...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo...