Muqdisho(SONNA) Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ย magaalada New York kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi, waxana ay ka wada hadleen iskaashiga labada dhinac iyo mashaariic ay dawladda Shiinuhu ka fulineyso Soomaaliya.
Kulankan ayaa la iskula soo qaadey xoojinta xiriirka labada dawladood, xaaladda amniga ee gobolka Geeska Afrika, arrimaha siyaasadda iyo taageerada dib-u-dhiska iyo dib-u-soo kabashada Soomaaliya.
Raโiisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha Wang Yi uga mahad celiyay kaalintooda wanaagsan ee ay ka qaadanayaan taageerada Soomaaliya, wuxuuna cadeeyey sida loogu baahan yahay in la sii xoojiyo cilaaqaadka labada waddan.
Dhanka kale, Raโiisul Wasaare Khayre ayaa khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ee arrimaha Soomaaliya iyo Shir kale oo isna looga hadlayey Abaaraha. Iyadoo ay shirarkani ka soo qeyb galeen in ka badan 98 waddan.
Raโiisul Wasaaraha ayaa maanta oo jimco ah khudbad ka jeedin doona shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey.