Ra’iisul Wasaare Khayre oo kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha+Sawirro

Date:

Muqdisho(SONNA) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa  magaalada New York kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi, waxana ay ka wada hadleen iskaashiga labada dhinac iyo mashaariic ay dawladda Shiinuhu ka fulineyso Soomaaliya.

Kulankan ayaa la iskula soo qaadey xoojinta xiriirka labada dawladood, xaaladda amniga ee gobolka Geeska Afrika, arrimaha siyaasadda iyo taageerada dib-u-dhiska iyo dib-u-soo kabashada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha Wang Yi uga mahad celiyay kaalintooda wanaagsan ee ay ka qaadanayaan taageerada Soomaaliya, wuxuuna cadeeyey sida loogu baahan yahay in la sii xoojiyo cilaaqaadka labada waddan.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ee arrimaha Soomaaliya iyo Shir kale oo isna looga hadlayey Abaaraha. Iyadoo ay shirarkani ka soo qeyb galeen in ka badan 98 waddan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta oo jimco ah khudbad ka jeedin doona shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Cumaan oo xoojinayo iskaashiga dhinacyada Gaadiidka iyo Isgaarsiinta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo Afgooye ka furay tababar howl-wadeennada doorashooyinka

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

W/ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud QM ee arrimaha gargaarka

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS Mudane Xasan Maxamed...

Shir lagu heshiisiinayo beelo ku dagaallamay Mudug oo lagu qabtay Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay shir ballaaran oo lagu...