Madaxweynaha Hirshabeele oo Beledweyne kulamo kula leh qeybaha bulshada iyo maamulka

Date:

Muqdisho(SONNA) Wefdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha cusub ee mamulka Hirshabeelle ayaa goor dhow ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, halkaasoo ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiin iyo qeybaha bulshada.

Waxaa ku wehliya socdaalka Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Wasiiro iyo Xildhibaano ka mid ah maamulkiisa iyo xubno kale.

Waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Hiiraan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada waxaana uu kulamo la yeelanaya maamulka Gobolka iyo shacabka ku dhaqan magaaladaasi Baladweyne.

Waxaa la xirey waddooyinka qaar ee magaalada Baladweyne iyadoo siweyn loo adkeeyey Ammaanka magaalada Beledweyne, ciidamo aad u farabadan ayaa lagu arkayaya waddooyinka magaaladaasi.

Waa safarkii ugu horeeyay uu ku tago magaaladaasi Baladweyne tan iyo markii dhawaan uu ku guuleystay qabashada xilka madaxweynaha Hirshabeelle

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xogta Xafiiska Hantdhowrka ee hufnaanta iyo qabashada Dakhliga Dowladda

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan...

Maxaa looga hadlay kulankii Golaha Aqalka sare ee maanta?

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...