Khasaaraha dhulgariir  ku dhuftay  Mexico oo sii kordhaya

Date:

Muqdisho(SONNA) Dhulgariir xooggan ayaa ku dhuftay bartamaha dalka Mexico ,kaasi oo ugu yaraan ay ku dhinteen 336-qof ,isla markaana burburiyay xirmooyin dhismo ah oo ku yaallay caasimadda daslkaasi ee Mexico City.

Madaxweynaha dalka Mexico  Enrique Peña Nieto ,ayaa sheegay in wax ka badan 20-caruur ah ay ku dhinteen dhulgariirkaasi,30-kalana  la la’yahay ,kadib markii ay ku soo dumeen dhismaha dugsi ay wax ku bartaan.

Cabirka dhulgariirkaasi oo ahaa 7.1 Magnitude,waxaa kale oo uu sababay waxyeelo soo gaartay gobolada deriska la ah dalkaasi,

Bishan horraanteedii  koonfurta dalka Mexico waxaa  ku dhuftay dhulgariir oo xooggiisu ahaa 8.1 oo ugu yaraa dilay 90-qof .

Shaqaalaha gargaarka ayaa wada raadinta dad nool oo la tilmaamay in ay ku hoos jiraan burburka dhismmayaasha.

.

 

 

.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Maalinta Calanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay...