Qeyb kamid ah qalabka maamulka Hawada Soomaaliya oo maanta xariga laga jaray

Date:

Muqdisho(SONNA) Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta  xarigga ka jaray isticmaalka qeyb kamid ah qalabkii loogu talagalay maamulka Hawada gaar ahaan qeybta saadaasha Hawada.

Munaasabadda xarrig jarka oo ka dhacday Garoonka diyaaradha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiinta Wasaradda,guddiga Gaadiidka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Mudane Maxamed C/llaahi Salaad Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in uu qalabkani qeyb ka yahay maamulka Hawada Soomaaliya,isagoo maanta si rasmi ah uu xarigga uga jaray qalabkaasi oo si gaar ah u qaabisan qeybta Saadaasha Hawada.

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda duulimaadka Caalamiga ah ee ICAO oo hoostagata Qaramada Midoobey ayaa dhawaan kala saxiixday heshiis ku saabsan in si deg deg ah Muqdisho loogu soo wareejiyo maamulka Hawada Soomaaliya, muddo kabadan 25 sano kadib tan iyo burburkii Dowladii Dhexe ee Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...