Shirkii Baarlamaanada IGAD oo Suudaan ku soo gaba gaboobey

Date:

Muqdisho(SONNA) Magaalada Khartuum ee xarunta Dalka Suudaan waxaa lagu soo gabagabeeyay shir socday muddo seddax maalmood ah,kaasi oo ay isugu yimaadeen Guddoonada Baarlamaanadda ku mideysan Urur Goboleedka IGAD, iyadoo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad uu shirkaasi ka sheegay in Dowladda Soomaaliya ay bixineyso dhamaan kaalmooyinka looga baahdo .

Shirkan socday mudo sadax maalmood ah ayaa waxaa diirada lagu saarayay sidii iskaashi buuxa oo wadashaqeyn ah u dhexmari lahaaa dhamaan Baarlamaanadda Geeska Afrika ee ku mideysan Urur Goboleedka IGAD si wada jirna looga hortago arrimaha Abaaraha, Tahriibka, Macluusha , iyo Isbadalka Cimiladda,waxaana goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Baarlmaanka Dalka Suudaan oo marti galinayay Shirka.

Mahad Cabdalla Cawad Guddoommiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya oo shirkaasi markuu soo idlaaday ka dib la hadlay Wakaaladda SONNA ayaa sheegay in qodobo wax ku ool ah ka soo baxeen shirkan loogana fadhiyo Dal walba in Baarlamaankiisa horgeeyo dhamaan waxyaabihii lagu heshiiyay si ay u meel maraan qodobadaasi.

Sidoo kale Gudoommiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa tibaaxay in Guddoomiyaha Goloha Shacabka ee Dowladda aan Walaalaha nahay ee Jabuuti Maxamed Cali iyo wafdi uu hogaaminayo dhawaan imaan doonaan Magaalada Muqdisho Bisha November kana jeedin doono khudbad taariikhi ah.

Horey waxaa Soomaaliya u yimid guddoomiyihii baarlamaanka Jabuuti Alla u naxriistee Idiris Arna ‘Uud Cali oo ahaa guddoomiyihii  Baarlamaanka Jabuuti ee geeriyooday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo Qoreysa Taariikh Cusub.

Magaalada Muqdisho waxay maanta qortay taariikh baal dahab ah...

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka kobaad ee dalka oo codkiisa saakay ka dhiibtay D.Hodan ee gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Doorashada Golaha Deegaanka oo ka bilaabatay saakay 16-ka Degmo ee gobolka Banaadir.

Magaalada Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah u bilaawday...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle,...