Ra’iisul Wasaare Khayre oo khudbad ka jeedin doona shirka Golaha guud ee QM

Date:

Muqdisho(SONNA) Shirka Golaha Loo dhan yahay ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayaa maanta ka furmaya magaalada New Yorka ee Dalka Mareykanka,iyadoo Soomaaliya uu uga qeybgalayo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre.

Wafdiga raiisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa kamid Wasiirka Arrimaha dibadda Mudane Yuusuf Garaad Cumar iyo mas’uuiliyiin kale kuwaasi oo horey u gaaray magaalada New Yorka,si ay u soo dhaweeyaan Ra’iisul Wasaraaha iyo wafdigiisa.

Arrimaha looga hadli doono shirkaasi oo ah mid guud ayaa waxaa qeyb ka ah taageerada wadamada soo koraya oo Soomaaliya ay kujirto,waxaana lafilaya in khudbad ku saabsan arrimaha Soomaaliya uu halkaasi ka jeediyo Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, isagoona shirkaasi ku soo bandhigi doono horumarka ay ku talaabsatay Dowladda Soomaaliya iyo waxyaabaha ay uga baahantahay in caalamka inuu ka taageero.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Madasha Daneeyayaasha Kalluumeysiga Soomaaliya

Hay’adda Cilmibaarista Badaha Soomaaliyeed (HCBS), oo kaashanaysa Magan Forum,...

Wafdi uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud

Wafdi uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed...

Soomaaliya iyo Turkiga oo xoojinaya iskaashiga kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee JFS, Mudane...

Guddoomiye Ku-xigeenka Aqalka Sare oo guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Aqalka Sare ee BJFS,Mudane Cali Shacbaan...