Ra’iisul Wasaare Khayre oo khudbad ka jeedin doona shirka Golaha guud ee QM

Date:

Muqdisho(SONNA) Shirka Golaha Loo dhan yahay ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayaa maanta ka furmaya magaalada New Yorka ee Dalka Mareykanka,iyadoo Soomaaliya uu uga qeybgalayo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre.

Wafdiga raiisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa kamid Wasiirka Arrimaha dibadda Mudane Yuusuf Garaad Cumar iyo mas’uuiliyiin kale kuwaasi oo horey u gaaray magaalada New Yorka,si ay u soo dhaweeyaan Ra’iisul Wasaraaha iyo wafdigiisa.

Arrimaha looga hadli doono shirkaasi oo ah mid guud ayaa waxaa qeyb ka ah taageerada wadamada soo koraya oo Soomaaliya ay kujirto,waxaana lafilaya in khudbad ku saabsan arrimaha Soomaaliya uu halkaasi ka jeediyo Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, isagoona shirkaasi ku soo bandhigi doono horumarka ay ku talaabsatay Dowladda Soomaaliya iyo waxyaabaha ay uga baahantahay in caalamka inuu ka taageero.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...