Sedex qof oo ku dhimatay shil gaari oo ka dhacay duleedka Magaalada Jowhar

Date:

Jowhar(SONNA)-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in shil gaari oo ka dhacay Gobolka Shabeelaha dhexe gaar ahaan deegaan  koonga oo qiyaastii u jirta 5-km magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle.

Weriyaheena Magaalada Jowhar Abuukar Bacadle oo gaaray Goobta uu shilka ka dhacay ayaa inoo xaqiijiyay in shilkii galabta ka dhacay degaanka koongo ay ku dhinteen dad gaaraya ilaa 3 ruux oo midu tahay dumar,halka dhaawacana yahay 4 ruux.

Dadka dhintay iyo kuwa dhawacmay ayaa kala saarnaa gaari Nooha ah oo ka yimid Muqdisho iyo Mooto Bajaaj kuwaasi oo si kedisa iskugu dhacay.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka Siyaasada Gobolka Shabeelaha dhexe Mudane Maxamed Cabdi Sheekh Muumin iyo Taliyaha saldiga Jowhar dhame Maxamed Siyaad canjeex ayaa sheegay inay u gurmadeen dadka shilkan waxyeelada ka soo gaartay isagoo xusay in dadkii ku dhawacmay  la dhigey isbitaalka magaalada Jowhar.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Jaaliyadda Soomaalida ee Xadarmuut oo afur u sameeyay Safiirka Soomaaliya ee Yemen

Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen C/Xakiim Maxamed Axmed...

Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Degmada Buulo burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa...

Wasiirka xanaanada xoolaha oo qaabilay wafdi ka socda Hay’adda WFP

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan...