Wasiir Xoosh “Waxaa naga go’an inaan la shaqeyno Guddiga Baarlamaanka iyo G/Madaxabanaan ee Dastuurka”Sawirro”

Date:

 

Muqdisho(SONNA):-Waasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadatashi ah la yeelatay Guddiga Kor-joogteynta Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista Dastuurka.

Kulanka ayaa ku saabsanaa in la dardar-geliyo wadashaqaynta sadex geesoodka ah ee ka dhaxeysa Wasaaradda iyo Gudiyada.

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in wadashaqayn iyo midnimo ay tahay in lagu wajaho hawlaha baaxadda leh ee horyaalla Wasaaradda iyo Gudiyada.

“Ujeedada kulankeenna maanta waa inaan isla garano sida aan u wadashaqayn laheen maadaama hawlo badan noo yaalaan, shacabka Soomaaliyeed waxa ay inooga fadhiyaan hawl ballaaran oo ah in Dastuurka dib-u-eegis lagu sameeyo; Wasaaradda waxaa ka go’an in ay wadashaqayn dhaw idinla yeelato” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Guddiga Kor-joogteynta Arrimaha Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Senator Cabdiqaybdiid iyo Gudoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee dib-u-eegista Dastuurka Maxamed Dahir Afrax ayaa waxa ay soo dhaweeyeen in wadashaqaynta la dardar-geliyo loona midoobo hawsha Qaran.

Gebagabadii, kulanka ayaa ku soo dhamaaday guul iyada oo lagu ballamay in si dhaw loo wadashaqeeyo.

 

—–DHAMAAD—–

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Maalinta Calanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay...