Maxamed Cabdi Waare oo loo doortay Madaxweynaha Hirshabeelle.

Date:

Waxaa soo gaba gabowday doorashada Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle ee ka socotay magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe oo ay ku tartamayeen 8 Musharax.

Tartan adag kadib oo dhexmaray musharaxiinta waxaa wareegii saddexaad usoo gudbay labo Musharax oo kala ah Maxamed Cabdi Waare oo helay 44  iyo Daahir Cabudlle Cawaalle oo helay 20 Cod

Maxamed Cabdi Waare ayaa  ku guuleystay doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle kaasi oo helay 74 Cod halka musharaxii la tarmayay Daahir Cabdulle Cawaale uu helay 23 Cod, sida uu shaaciyay Gudoomiyaha Barlamanka Maamulka Cismaan Barre.

Madaxweynaha cusub ee hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa doorashadii tan ka horeysay ee lagu dhisay Maamulka hirshabeelle ka galay kaalinta labaad, waana markii labaad ee uu tartamo doorashada Madaxweynaha Maamulkaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Cadaaladda oo furay tababar aqoon kororsi oo loo qabtay saraakiisha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Mudane Xasan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyey kulan looga hadlay Hindisaha Xeerka Maamulka Goleyaasha Degmooyinka

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta XFS...

MADAXWEYNAHA JFS OO WARQADAHA AQOONSIGA DANJIRENIMO KA GUDDOOMAY SAFIIRKA CUSUB EE JABUUTI

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo kulan la yeeshay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Sweden

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS...