Ciidamada Xasilinta oo degmada Deyniile howlgalo ka wada,markii rasaas ay kala kulmeen kooxo hubaysan

Date:

Muqdisho(SONNA) Ciidamada isku dhafka ah ee Xasilinta Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo ku guda jira howlgalo qeyb ka ah sugidda amniga magaalada ayaa la kulmay kooxo hubaysan oo rasaas kala hor yimid ciidamadaasi.

Iska hor imaadkan ayaa yimid markii Ciidamada Xasilinta ay howlgalo ka bilaabeen qeybo kamid ah degmada Deyniile gaar ahaan halka loo yaqaano Haanta-Dheer,halkaasi oo ay ku suganyihiin Ciidamo hubaysan oo ciidamadaasi isku dhaceen lamana xaqiijin karo khasaaraha ilaa iyo haatan.

Sida uu ku soo waramayo wariyaheen Maxamed Xasan Cali oo la socoda Ciidamada Xasailinta,Howlgalka ayaa bilowday gelinkii dambe ee xalay, welina waa  uu socdaa,iyadoo haatan la maqlayo dhawaqa rasaasta.

Qaar kamid ah qoysakii degnaa nawaaxiga Deegaanka Haant-Dheer ee Degmada Deyniile, oo barakacayaal u badan ayaa bilaabay in halkaasi ay isaga cararaan,si ay uga fogaadaan waxyeelo soo gaarta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...