Golaha Ammaanka ee QM oo deg deg u dhaqan gelinaya cuno qabatayntii Waqooyiga Kuuriya

Date:

Muqdisho(SONNA) Kulan deg deg ah oo ay isugu yimaadeen xubnaha Joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa, Mareykanka, Shiinaha iyo Ruushka ayaa isku raacay inay ka soo horjeedaan in Kuuriyada Waqooyi ay dulmariso Markale gantaal ridada dheer waqooyiga jasiiradda Hokkaido ee dalka Japan taasi oo ay ku tilmaameen mid daandaansi cad ah.

Waxaa soo de dejiyay kulankan ka dib markii shalaya Kuuriyada Waqooyi ay mar kale Gantaal riddo dheer ay dulmarisay hawadda Dalka Jabaan.

Intii uu socday kulanka Golaha Ammaanka lama  soo hadal qaadin bayaankii Qaramada Midoobay ee dhigayay in cunaqabateyno dheeraad ah Kuuriyada Waqooyi la saaro,iyadoo la muujiyay sida looga walaacsan yahay dhaq dhaqaaq Waqooyiga Kuuriya.

Bayaan ay soo saareen golaha amaanka ee QM oo uu Akhriyay Madaxa haatan ee Golaha Amaanka,ahna Safiirka Ethiopia u fadhiya Qaramada MidoobayTekeda Alemu,ayaa lagu sheegay in Golaha Ammaanka ee Qaramada midoobay uu ku adkeeyay dhammaan dowladaha xubnaha ka ah golaha inay si buuxda oo degdeg ah u dhaqan galiyaan dhamaan qaraarada golaha.

Sidoo kalena Golaha Amaanku waxa uu xoojiyay in ay muhiim tahay in Kuuriyada Waqooyi ay si degdeg ah oo daacad ah u fuliso tallaabada ah in ay hubkeeda nuyuuklerka ka tanaasusho iyada oo qaadeyso tallaabooyin muuqda sidoo kalena ka shaqeynta yareynta xiisada ka taagan gacanka jasiirada Korea.

Safriika Ruushka ee Qarmaada Midoobay, Vasilly Nebenzia, oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in diblomaasiyadu tahay wadada kaliya ee lagu xalin karo xiisada Kuuriyada Waqooyi.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo la wareegay xilka

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka...

Guddoomiyaha Aqalka sare oo ubax dhigay daljirka daahsoon ee darbiga Kremlin-ka

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiir Roobow “Luuqadaha lagu tarjumayo khudbadaha maalmaha Xajka waxaa lagu soo daray luuqada Soomaaliga”

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Muqtaar Rooboow Cali...

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay shabakad khawaarij ah

Cabdinaasir Maxamed Xasan, afgaradiisuna tahay Macallim Xaaji ayaa lagu...