Guddiga Taakuleynta Ciidamada Qaranka oo Deeq lacageed ku warreejiyey Guddiga Gurmadka Qaranka

Date:

Guddiga Taakuleynta Ciidamada Qalabka sida, ayaa Deeq lacageed oo dhan 2.000$ oo iyaga dhexdooda ay iska soo arruuriyeen ku wareejiyey Guddiga Gurmadka qaranka, waxaana ka guddoomay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Eng C/raxmaan Cumar Yariisoow.

Guddooomiyaha Guddiga Taakuleynta Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed Axmed Jaamac Muuseย  ayaa sheegay in ay ka xun yihiin Musiibadii ka dhacday Isgooyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho, isagoo kuwa dhaawacyada culus qaba eebe uga baryey Caafimaad deg deg ah.

โ€ Lacagta maanta aan ku wareejinay Guddiga Gurmadka Qaranka waa lacag innaga dhexdeena aan iska arruurinayey, mushaaradkeena ayaa iska jarnay si ugu gurmano dhibaatada soo gaartay dadkeena, runtii waan la xanuunsaneynaa dadkaasiโ€ ayuu yiri Guddoomiye Axmed Jaamac.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...