Ku dhawaad 30 qof oo ku dhimatay iskuul kuyaala Dalka Malaysia

Date:

Muqdisho(SONNA) Ilaa inta la xaqiijiyay  25  qof ayaa ku geeriyootaykadib markii dab xoogan uu ka kacay xalay mid kamid ah  iskuulada  Islaamiga ah ee kuyaala magalaaada Kuala Lumbur ee xarunta Dalka Malesia.

Dadka ku dhintay dabkaasi ayaa ah 23 arday iyo 2 macalin waxaana ku dhaawacantahay ialaal 7 qof oo kale,lamana oga ilaa iyo haatan sababta dhabta ah ee dhalisay dabkaasi,oo ka kacay xarun Qur’aanka Kariimka ah lagu xifdiyo oo lagu magacaabo Ittifaqiyah,waxaana uu dabkaasi kacay aroor hore xili ay jiifeen inta badan dadka.

Khirudin Drahman, oo ah agaasimaha Hay’adda deb demiska ee Dalkaasi Malesia oo goobtaasi gaaray ayaa Wakaaladda Wararka Faransiiska ee AFP u sheegay in qasaaraha uu intaasi la egyahay,waxaana uu intaasi ku daray in la soo bad baadiyaya 11 qof oo kale.

Waxaa soconaya baaritaano ay hay’adaha ammaanka Dalkaasi ku hayaan sababta dhalisay dadkaasi,waxaana weli aan si rasnmi ah macluumaad dheraad ah looga bixin da’da ardaydaasi oo iskuulka hoyga ee Ittifaqiyah lagu xanaaneeyo.

Dalka  Malaysia ayaa inta badan can ku ah xarumaha lagu barto duruusta diiniga ah oo ay ardaydo seexdaan,waana wadanka ugu  ee Qaaradda Assia oo ay ardayda ka kala socota wadamada Africa ay waxbarasho u aadaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Maalinta Calanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay...