Ku dhawaad 30 qof oo ku dhimatay iskuul kuyaala Dalka Malaysia

Date:

Muqdisho(SONNA) Ilaa inta la xaqiijiyay  25  qof ayaa ku geeriyootaykadib markii dab xoogan uu ka kacay xalay mid kamid ah  iskuulada  Islaamiga ah ee kuyaala magalaaada Kuala Lumbur ee xarunta Dalka Malesia.

Dadka ku dhintay dabkaasi ayaa ah 23 arday iyo 2 macalin waxaana ku dhaawacantahay ialaal 7 qof oo kale,lamana oga ilaa iyo haatan sababta dhabta ah ee dhalisay dabkaasi,oo ka kacay xarun Qur’aanka Kariimka ah lagu xifdiyo oo lagu magacaabo Ittifaqiyah,waxaana uu dabkaasi kacay aroor hore xili ay jiifeen inta badan dadka.

Khirudin Drahman, oo ah agaasimaha Hay’adda deb demiska ee Dalkaasi Malesia oo goobtaasi gaaray ayaa Wakaaladda Wararka Faransiiska ee AFP u sheegay in qasaaraha uu intaasi la egyahay,waxaana uu intaasi ku daray in la soo bad baadiyaya 11 qof oo kale.

Waxaa soconaya baaritaano ay hay’adaha ammaanka Dalkaasi ku hayaan sababta dhalisay dadkaasi,waxaana weli aan si rasnmi ah macluumaad dheraad ah looga bixin da’da ardaydaasi oo iskuulka hoyga ee Ittifaqiyah lagu xanaaneeyo.

Dalka  Malaysia ayaa inta badan can ku ah xarumaha lagu barto duruusta diiniga ah oo ay ardaydo seexdaan,waana wadanka ugu  ee Qaaradda Assia oo ay ardayda ka kala socota wadamada Africa ay waxbarasho u aadaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Muqdisho ka furtay shir ay ka qeyb galayaan bulshada rayidka iyo beesha caalamka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta Dalka

Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Gorgor oo howlgallo qorshaysan ka fuliyey Jowhar

Ciidamada Kumaandooska Gorgor ee xoogga dalka Soomaaliyeed, Guutada 18-aad...

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...