Dowlada Mareykanka oo Cambaareysay Qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho

Date:

Bayaan ka soo baxay Aqalka cad ee dalka Mareykanka ayaa si weyn loogu Cambaareeyay Qaraxii musiibada ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho kaasoo Khasaare naf iyo maal uu ka dhashay.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in weerarkaas lagu dilay dad aanan waxba galabsan oo isugu jira rag, dumar iyo carruur, iyadoo Aqalka Cad uu sheegay in dadka ku dhintay weerarka ay ku jireen muwaadiniin u dhashay Mareykanka.

Dowladda Maraykanka waxay sheegtay inay garab taagan tahay Dowlada Soomaaliya iyo Shacabkeeda, si loo xaqiijiyo Amniga guud iyo Dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Madaxda dowlada Federaalka iyo Shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn ugu gurmanaya dad dhibaatada ay ka soo gaartay Qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale kaalin lama iloobaan ah ka qaatay Dowladaha aan walaalanahay ee Turkiga iyo Jabuuti, iyadoo sidoo kale Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka uu sheegay in Dowlada Qatar ay diyaar u tahay inay Diyaarad gurmad ah u soo dirto magaalada Muqdisho, waxaana intaas dheer Dalal badan oo si weyn ula qeybsaday murugada dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Horjooge katirsan khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Horjooge Cali Maxamed Coloow oo wata qori AK47 ah...

Safaaradda Soomaaliya oo ee Shiinaha oo soo agaasintay Xuska Maalinta Afrika 

Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha ayaa sanadkaan si heer sare...

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha oo Ka Qeyb Galay Gabagabada Shirka Madrid Dialogue

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u...

HALGANKA NOLOLEED EE XOOG-MAALATADA

Booqasho gaar ah ayaan ku tagay Kawaanka Malaayga ee...