Araday Soomaaliyeed oo deeq waxbarasho ka helay Shiinaha

Date:

Beijing(SONNNA)—Ardaydani oo qeyb ka ah illaa 50 arday oo dhawaan deeq waxbarasho ka helay Dolwadda Shiinaha ayaa gaaray magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.

Waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay ardaydaasi qaar ka mid ah mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee Dalka Shiinaha.

Dr C/raxmaan Axmed Sheekh oo ah u qeybsanaha xafiiska waxbarashada iyo dhaqanka ee Safaaradda oo muddo 27 sano kadib markii ugu horeysay dib looga furay shiinaha ayaa Wakaaladda SONNA u sheegey in ay halkaasi gaareen qeybtii koowaad ee ardaydaasi oo deeqda waxbarasho helay.

“Waxaa na soo garey qaar ka mid ah ardaydii deeqdaasi waxbarasho helay, si fiican ayaa loo soo dhaweeyey,waxaana ku wareejinay jaamacaddii ay dhigan lahaayeen, waxbarashadooda ayay si toos ah u bilaabayaan,waqtiyada soo socdana waxaa la sugayaa kuwa kale”, ayuu yiri Dr C/raxmaan Axmed  Sheekh.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Shiinaha ayaa waxaa safiir ka ah Mudane Yuusuf Xasan Ibraahim (Yuusf Dheeg) oo ah mas’uul xilal kala duwan soo qabtay.

Sanadahan dambe waxaa sii xoogeysanayay xiriirka dhanka diblomaasiyadda ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha,ayadoo Dowladda Shiinaha ay xafiiskeeda ka furatay magaalada Muqdish.

Dr C/raxmaan Axmed Sheekh oo ah U qaabilsanaha Waxbarashada iyo dhaqanka Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Shiinaha

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...