Kulan looga hadlayey dhaqan gelinta heshiis u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug oo lagu qabtay Gaalkacyo

Date:

kulankaan oo ahaa mid looga hadlayay wadiiqadii loo mari lahaa dhaqan galinta qodabadii dhanka Nabada oo ay shalay ku kala saxixdeen magaalada Gaalkacyo waxgaradka iyo masuuliyiinta dowlad gobaleedyada Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa maanta labada madaxweyne ku xigeen ee Puntland iyo Galmudug waxa ay la qaateen gudigii loo xilsaray dhaqan galinta qodabada lagu heshiiyay maadaama dhowr jeer lagu guuleysan waayay in ay meel maraan qodabo ay ku heeshiiyeen labada dowlad gobaleed.

Madaxweyne ku xigeenada dowlad gobaleedyada Galmudug iyo puntlandMaxamed Xaashi Cabdi iyo C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Cameey oo gunaanadkii kulanka maanta ka hadlay ayaa xusay in looga baahan yahay gudiga loo igmaday taabagalinta qodabadii laysku afgartay in kudadaalaan sidii loo dhaqan galin lahaa.

Waxaa  dhanka kalana ay ka dhawaajiyay labada madaxweyne ku xigeen in maalmaha soo socda madaxda iyo gudiguba ay kormeer ku tagi donaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada labada dowlad gobaleed iyo dhulka miyiga ah ee ay colaaduhu ka oogan yihiin

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyeen heshiis is-af-garad u dhaxeeyo dowladaha Soomaaliya iyo Masar

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo tababar u soo xiray Cutubyo ka tirsan Gorgor

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii ugu horreeyay ee qaata kaarka codeynta

Madaxweynaha Dowlad Goboleeda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...