Kulankii Golaha Shacabka oo baaqday

Date:

Muqdisho(SONNA) Kulanka Golaha Shacabka JFS oo maanta la filayey in uu ka dhaco xarunta Golaha Shacabka ayaa lagu soo waramayaa in uu baaqday.

Kulanka ayaa lasoo sheegayaa in maanta uu u baaqday kooram laโ€™aan, maadaama xubnaha golaha shacabka maalmihii ugu dambeeyey ay kujireen fasax, iyada oo fasaxoodana uu kusoo beegmay munaasabadaha maalmaha Ciidda.

Wariyaheena Ibraahim Guudle Isxaaq oo xarunta Golaha Shacabka ku sugan ayaa kusoo waramaya in kulanka uu u baaqday Kooram laโ€™aan, sidaasi daraadeedna maanta uusan jirin wax kulan ah oo ay yeesheen xubnaha Golaha Shacabka.

Xildhibaanka ayaa Haddii kooramka kalfadhiga Golaha Shacabka uu soo dhameystirmi lahaa waxa ay maanta ka hadli lahaayeen goโ€™aanka ay xukuumadda Soomaaliya ka qaadatay arinta C/kariin Qalbi dhagax oo kamid ahaa saraakiisha Jabhadda ONLF.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale