Waaberi oo ku guuleysatay tartanka ciyaaraha degmooyinka Gobolka Banaadir

Date:

Muqdisho(SONNA) Waxaa Caawa lagu soo gabagabeeyay garoonka Banaadir ee degmada C/casiisee magaalada Muqdisho,tartankaasi oo muddooyinkii dambe si xiiso leh uga soconayey magaalada Muqdisho.

Tartankan oo ay final-kiisa wada ciyaareen labada degmo eeย  Waaberi iyo Hodan, ayaa wareegii 1-aad ayaa ciyaarta waxay ku soo dhamaatay Waaberi 2-0 Hodan.

Ciyaarta oo ahayd mid aad u xiiso badnayd ayaa waxaa u soo daawasho tagay boqolaal dadweyne ah oo ka kala socoda degmooyinka Gobolka Banaadir.

Markii la isku soo laabtay ayaa kooxda Waaberi waxay dhalisay koolkii 3-aad, balse daqiiqado kadib ayaa kooxda Hodan la timid 1 goal waxaana gebi ahaanba ciyaartaasi ay ku soo dhamaatay Waaberi 3-1 Hodan.

Waaberi ayaa kulankii ugu dambeeyay ee Sami final-ka waxay soo reebtay Degmada Hilliwaa halka Hodanย  ay soo garaacday Kaaraan.

Kooxda kubadda cagta ee Waaberi ayaa caawa loo caleema saaray horyaalka degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana sanadkii hore tartanka degmooyinka gobolka Banaadir ku guuleysatay degmada Boondheere, oo ka qaatay Waabari.

Sikastaba 28-kii Agoostoย  2014ย  ayey aheyd markii degmada Waabari ay finalka la ciyaartay Xamar Weyne,ย  iyadoo Waabari loogu adkaaday 2-0, si lamid ah sanadkii xigay 2015 ayaa waxaa Wabari 1-0 ugu qaaday Boondheere,waana markii saddexaad oo xiriir ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Howlgallo qorsheysan oo ka socda degmada Ruunnirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal amni xaqiijin ah ka...

Guddoomiye Abshirow oo ka qeyb galay kulanka 150-aad ee Baarlamaanka Adduunka

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Raโ€™iisul Wasaare Xamse oo xilka u kala wareejiyay wasiirka cusub ee Gaashaandhigga iyo wasiirkii hore ee Wasaaradaas

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre...