Faah faahin ka soo baxaysa qarixii ka dhacay Baydhabo

Date:

Muqdisho(SONNA)  Inta la ogyahay 3 qof uu ku jiro dhagar qabihii is qarxiyay  ayaa ku dhimatay, 2 kalena waa ay ku dhaawacmeen ,qaraxaasi oo gabal dhicii maanta ka dhacay magaalada Baydhabo,sida uu SONNA u sheegay wasiirka Amniga maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed.

“Qaraxan waxaa uu ka dhacay goob maqaayad lagu magacaabo Barwaaqo oo kutaala bartamaha magaalada,waxaana ku shaahayay Dad shacab ah,waxaa ku dhimatay 3 qof 2 kalana waa ay ku dhaawacmeen”ayuu yiri Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed

dhanka kale wariyeheena Baydhabo Siraaji SHeekh Isxaaq ayaa sheegay in Qaraxaasi uu ka dambeeyey markii qof naftii halige ah oo isku soo xirey waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay maqaayad lagu magacaabo Barwaaqo oo ku taala bartamaha magaaladaasi.

Goobta waxaa  gaarey mas’uuliyiin iyo saraakiil, ammaanka goobta ayaa si weyn loo adkeeyey waxaana dadkii dhaawacmay loola cararay isbitalka magaaladaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war kasoo saartay duqaymo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...