Wasiirka Caafimaadka oo shir uga qeybgashay Helsinki +SAWIRRO

Date:

Helisinki(SONNA)–Wasiirka Wasaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Fowsiyo Abiikar Nuur oo uu wehliyo la taliyaha Wasarrada xagga Caafimaadka taranka iyo dhallaanka Dr Abdulqadir Wehliye ayaa safar 2 casho ah oo shaqo ku jooga magalada Helsinki ee dalka Filand.ayaa ka qeybgalay shir looga hadlayay Caafimaadka Haweenka Waddamada burburka soo maray.

Wasiirku waxay ay shir gooni gooni ah la yeelatay Wasiiradda Wasaradaha Ganacsiga Dibadda iyo Horumarinta Mr Kai Mykkänen iyo Wasiirka Arrimaha Qoyska iyo Adeegyada Bulshada Ms Annika Saarikko, waxayna isla soo qaadeen sidii loo caawin lahaa dadka iyo Dalka Soomaaliyeed..

Wasiirad Fowsiyo waxay kaloo la kulantay Hey’ada IOM MIDA FINNSOM kalana hadadhay baahidda loo qabo in qurbajoogta Soomaliyeed ka qeyb qaadato dib u dhiska Waddankooda

Wefdiga Soomaaliyeed waxaa ay booqdeen hey’ado badan oo ay ugu horreyso Natonal Institute for Health and Welfare., iyagoo kulan la qaateen jaalliyadda Soomaalida eek u sugan Dalkaasi, waxayna kala hadashay wasiiraddu xaaladda caafimaad ee waddanka iyo sidii la isaga kaashan lahaa..

Wasiiraddu waxay kaloo ka qeybgashay casho sharaf aad loo soo abaabulay laguna wada falanqeeyay kaalinta ay ka qadan karto qurbajoogta Finland kor u qaadidda dareyeelka caafimaad ee Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...