Ciyaaro lagu soo gabagabeeyay Minneapolis +SAWIRRO

Date:

Minneapolis(SONNA)—Shalay ayaa lagu soo Gabagabeeyay Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota Horyaalkii kubbada cagta ee loogu magac daray JIIROONIGA CIYAARTOOYDA CUSLAATAY.

Horyaalkan oo socday muddo afar bilood ah ayaa waxaa koobka ku guuleeystay kooxd ku ciyaareysay magaca QARANKA waxayna koobka ku qaateen 28 dhibcood.

Macalinka kooxda Qaranka Caddow Ibrahim ayaa la gudoonsiiyey tababarihii ugu wanaagsanaa,halka ciyaartooyga Sheikh Omar uu kuguuleystay abaal marinta MVP ga.

Waxaa kaloo abaalmarin la guddoonsiiyey ciyaaryahanka ugu goolasha badnaa Abdirhman Juu oo 24 goal dhaliyay.

Ciyaarta ayaa waxaa goob joog ahaa isla markaana bixinayey koobaka
Macalimiintii kubada koleyga iyo kubada cagta ee magac ku lahaa Dalka Somaliya Macalin Abdullqadir Qariidi iyo Macalin Abdullqadir Sheikha.

Horyaalka oo ah horyaal ka duwan kuwa lagu qabto gobalka Minnesota ee Cariga Maraykanka ayaa waxaa soo alifey Tababare ciyaartoy Macalin Adan Ugaas.

Warkaan oo ay Wakaaladda SONNA ka heshay Liibaan ayaa sheegaya in ciyaartaasi shalay ku soo gabagaboowday jawi farxad iyo damaashaa leh.

Wariyeheena Minnesota Liibaan Xuseen 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgal ka fuliyay gobolka Sh/hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamada deegaanka ayaa...

Safiirka JFS ee dalka Hindiya oo xabsiga ku booqday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa...

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Xarunta Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Hodan oo ku soo baxday tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga Afar dhamaadka oo la sameeyay

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...