Ciyaaro lagu soo gabagabeeyay Minneapolis +SAWIRRO

Date:

Minneapolis(SONNA)—Shalay ayaa lagu soo Gabagabeeyay Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota Horyaalkii kubbada cagta ee loogu magac daray JIIROONIGA CIYAARTOOYDA CUSLAATAY.

Horyaalkan oo socday muddo afar bilood ah ayaa waxaa koobka ku guuleeystay kooxd ku ciyaareysay magaca QARANKA waxayna koobka ku qaateen 28 dhibcood.

Macalinka kooxda Qaranka Caddow Ibrahim ayaa la gudoonsiiyey tababarihii ugu wanaagsanaa,halka ciyaartooyga Sheikh Omar uu kuguuleystay abaal marinta MVP ga.

Waxaa kaloo abaalmarin la guddoonsiiyey ciyaaryahanka ugu goolasha badnaa Abdirhman Juu oo 24 goal dhaliyay.

Ciyaarta ayaa waxaa goob joog ahaa isla markaana bixinayey koobaka
Macalimiintii kubada koleyga iyo kubada cagta ee magac ku lahaa Dalka Somaliya Macalin Abdullqadir Qariidi iyo Macalin Abdullqadir Sheikha.

Horyaalka oo ah horyaal ka duwan kuwa lagu qabto gobalka Minnesota ee Cariga Maraykanka ayaa waxaa soo alifey Tababare ciyaartoy Macalin Adan Ugaas.

Warkaan oo ay Wakaaladda SONNA ka heshay Liibaan ayaa sheegaya in ciyaartaasi shalay ku soo gabagaboowday jawi farxad iyo damaashaa leh.

Wariyeheena Minnesota Liibaan Xuseen 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Waxaa maanta Muqdisho ka furmay Shirka Labaad ee Kaabayaasha...

Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa digniin adag kasoo saaray sumcad-dil...

Taliyaha Ciidanka Dhulka :Dadka deegaanka ayaa sabab u ah in ciidanku ku jebiyaan Khawaarijta Ceeldheer

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi...

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

Jabkii isdaba joogga ahaa ee khawaarijta ka soo gaaray...