Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda oo kulan la qaatay wefdi ka socda Bangiga Addunka

Date:

Muqdisho(sonna)–Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Cabdullaahi Sh Cali Qaloocoow ayaa maanta Xafiiskiisa kulan kula qaatay Agaasimaha Bangiga Adduunka ee Bariga iyo bartamaha qaaradda Afrika Bella Bird.

Kulanka ay wada yeesheen Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdiga ka socda Bangiga Adduunka ee ay hogaaminaysay Bella Bird, waxay ka wada hadleen caawinta Soomaaliya iyo u kuurgalidda habsami u socodka hanaanka Maaliyadeed ee Dalka.

Mrs Bella oo maanta soo gaaratay Magaalada Muqdisho ayaa waxay Bangiga aduunka si gaar ah wakiil uga tahay Waddamada Tanzania, Burundi, Malawi iyo Somalia.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka oo Guddoomay Nuqullada Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Brazil

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

Hawlgal ka dhacay Hiiraan oo lagu dilay 25 ka tirsan Khawaarijta, iyo afar horjooge oo isku soo dhiibay CXDS

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Saaxiibbada Caalamka, ayaa...

Kulan lagu soo bandhigayay Mashruuca Bulsho oo lagu qabtay magaalada Baydhabo

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Soomaaliya oo aragtideeda horumarineed ku soo bandhigtay Maalinta Afrika

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkeysay doorkeeda ku...