Maamulka Gobolka oo daah furay mashruuc dib u dejin loogu sameynayo barakacayaasha

Date:

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa maanta daah furay Mashruuc dib u dajin loogu sameenayo Barakacayaasha ku nool magaalada Muqdisho.

Kulanka lagu daah fureyay mashruucan waxaa maamulka gobolka Banaadir ka sokow sidoo kale goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay.

Mashruucaan oo ku kacaya 12,Milyan oo Euro oo ay ku deeqeen Midowga Yurub ayaa waxaa iska kaashanaya maamulka gobolka Benaadir iyo Midowga Yurub, waxaana dhawaan mashruucaan laga fulinayaa magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in mashruucan uu qeyb ka yahay shan marshruuc oo waa weyn iyadoo barnaaamijkan loogu talagalay in ay ku baxdo lacag dhan 50 milyan oo Euro.

“Waa kii ugu weynaa oo lagu taageero dadka barakacyaasha ee magaalada Muqdisho ku nool waan u mahadcelinaynaa  Midowga Yurub iyo kuwa kale oo qeyb ka ah mashruucan taabagelintiisa,” ayuu yiri Thaabit.

Mudane Thaabit Cabdi, duqa Muqdisho ayaa sheegay in maamulka gobolka Benaadir dadaal badan ku bixiyay qorshan, hadana lagaaray xiligii wax laga qab lahaa dhibaatooyinka heeysta barakacaayasha Magaalada ku nool.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...