Ra’iisul Wasaaraha oo kormeer ku tagey goobtii uu Qaraxu ka dhacay

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caawa kormeer ku tagey goobihii ay ka dhaceen falkii argagixiso ee shalay. Wuxuna halkaasi kula hadlay Ciidamadda Qaranka ee ka qeyb qaatay gurmadkii loo sameeyey dadkii ay ku dhacday musiibadu.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Ciidanka sida dhiiran ee ay u caawiyeen shacabkooda, dawladduna aysan hilmaami doonin doorkooda qiimaha badan iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday xarunta Gurmadka Qaran, halkaas oo ka socdaan howllo baaxad leh oo lagu caawinayo dadka ay dhibaatadu soo gaartay.’

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga oo khawaarijta ku jabiyay dagaal ay kula galeen agagaraarka Daynuunaay ee Gobolka Bay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab ku jabiyay...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo guddoomiyey Shirka Arrimaha Bani’aadanimada Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Wasiiru-Dowlaha Caddaaladda oo xilka u kala wareejiyay taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta iyo taliyaha cusub

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda Soomaaliya, ahna Ku-simaha Wasiirka, Mudane Ilyaas...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Bilowday Barnaamij Tababar oo ku Saabsan Amniga Saaybarka

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin...