Maamulka Gobalka Banaadir oo deeq waxbarrasho jaamacaddeed siinayo 129 ciyaartooy

Date:

Muqdisho (SONNA):- Guddoomiyaha guddiga cayaaraha ee maamulka gobalka Banaadir Xasan Aadan Xaaji Yabarroow Wiish, ayaa u sheegay wakaaladda wararka qaranka Soomaaliyeed 129 ciyaartooy oo ka mid ah xiddigaha ka qeyb qaatay tartanka kubadda cagta degmooyinka gobalka Banaadir inay u heelan deeqo waxbarrasho oo Jaamacaddeed.

Xiddigaha deeqda la siinayo ayaa waxa ay ka mid yihiin kuwa sannadkan ka qeyb galay tartanka kubadda cagta degmooyinka gobalka Banaadir oo si xiiso leh uga socdo magaaladda Muqdisho.

“129 ciyaartooy ayaan u helnay deeqo waxbarrasho oo guddaha ah, waxaanna bixiyay qaar ka mid ah Jaamacaddaha ku yaallo gobalka, waan uga mahadcelineynaa doorkaas ay qaateen.” Xasan Wiish ayaa sidaasi u sheegay SONNA.

Tartanka kubadda cagta degmooyinka gobalka Banaadir, ayaa sannad walba la qabtaa waxaanna lagu waddaa in berri lasoo gabagabeeyo, iyadoo kama dambeysta ay isla soo gaareen degmooyinka Waberi iyo Hodan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo La Kulmay Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasaaradda Caafimaadka oo soo bandhigtay khasaaraha ka dhashay howlgalka hubka dhigista ee Muqdisho

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixin rasmi ah...

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan geesiyaasha sida gaarka...

Madaxweynaha JFS oo Danjire Salaad Cali Jeelle u magacaabay Lataliyaha Sare ee Madaxweynaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...