Todobo xubnood oo loo magacaabay maamulka doorashada Kenya iyo muran weli taagan

Date:

Muqdisho(SONNA) Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo dalka Kenya ayaa sheegaya in guddiga madaxa bannaan ee doorashada iyo xudduudaha Kenya (IEBC) uu toddoba xubnood u magacaabay maamulka doorashada madaxtinnimo ee ku celiska ah ee loo asteeyay inay qabsoonto 17ka bisha soo socota.

Talaabadaasi waxaa ka horyimid Railla odinge oo hogaamiya, isbahaysiga mucaaradka NASA ayaa ka biyo diiday,waxayna hore ugu hanjabay inaysan ka qayb gali doonin doorashada ilaa is beddel dhab ah loo sameeyo si dastuuri ah.

Arintani ayaa ka dhigan jahwareer siyaasadeed oo haatan ka taagan Dalka Kenya,Madaxweyne Uhuuru Kenyatta ayaa diiday is wax laga bedelo qaab dhismeedka guddiga doorashooda dalkaasi.

Maxakamadda sare ee Dalkaasi Kenya aya dhawaan go’aamisay in dib loogu noqdo doorashadii dhacday, kadib markii ay laashey natiijada, madaxweyne Kenyatta ayaa dhaliilay go’aankaasi balse uu xusay in uu ixtiraamayo sharciga.

Dadka odorooso arrimaha siyaasadda dalka Kenya ayaa ka deyrinaya xaaladda siyaasadeed, maadaama uu haatan is mari waa uu ka dhextaagaynyahay Dowladda iyo Mucaaradka.

Blse dhinaca kale waxaa si xowli ah u soconaya ololaha ballaaran oo mar kale labada dhinac ay isugu diyaarinayaan in ay kaga qeybgalaan doorashada ku celiska ah,balse waxaa loo fadhiyaa sida lagu xaliyo muranka ka taagan qaab dhismeedka guddiga doorashada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

1-da Luulyo “Mataanayntii Maandeeq”

Ummad walba oo dunida ku nool waxay leedahay maalmo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo calan saaray madaxtooyada xuska 65-aad ee xornimada awgeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...