Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland iyo saraakiil amni oo booqday deegaanka Goobweyn+Sawirro

Date:

Muqdisho(SONNA)Wefdi uu hogaaminayay Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Goboleedka Jubbaland, Suldaan C/qaadir Xaaji Maxamed (Lugadheere) ayaa kormeer ku tagay deegaanka Goobweyn oo hoostaga magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose, gelinkii dambe ee Talaadadii, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyey.

Ujeedadad socdaalka Mas’uuliyiintanii ayaa la xiriirtaa sidii ay ugu kuurgali lahaayeen xaaladaha amni iyo baahiyaha dhanka deegyada bulshada ah oo ay qabaan shacabka kunool deegaankaasi,waxaan mas’uuliyiintu ay kormeereen qeybaha uu deegaankaasi ka koobanyahay,si looga hirgeliyo mashaariic horumarineed.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa shacabka kunool deegaanada dhaca Waqooyiga Kismaayo ugu baaqey in ay ciidamada Ammaanka kala shaqeeyaan sidii loo sugi lahaa amniga.

“Goobweyn muhiimad gaar ah ayay inoo  leedahay,marka waxaan idinka codsanaynaa in ciidamada aad kala shaqeysaan nabadgeliyada,Dowladda ha lataageero,meeshaan waad garanaysaan waqtigii hore sida ay ahaan jirtay,maamulka deegaankana la shaqeeya si amniga loo sugo”, Sidaana waxaa yiri Suldaan Lugadheere.

Waxaa socdaalka Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Suldaan C/qaadir Xaaji Maxamed (Lugadheere) ku wehliyay Wasiiro iyo saraakiil ka tirsan Jubbaland,waxaana booqashadan imanaysaa iyadoo dhawaan,maleeshiyada Shabaab ay weerar ku soo qaadeen xero ay lahaayeen ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland,iyadoona mas’uuliyiintan ay shacabka ugu baaqeen in ay ka qeyb qataan ka hortaga dhagarta cdowga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaadiidka Badda XFS oo si rasmi ah u diiwaangelisay markab sita calanka Soomaaliya

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

Muqdisho , 1-da April , 2026 : Ra’iisul Wasaaraha...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo kulan kula qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradaha KGS 

Baydhabo, Soomaaliya – 1-da Abriil, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed...