Madaxweynaha Turkiga Oo Amray In Diyaarado Gar gaar Caafimaad Sameeya Loo Diro Muqdisho

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Turkiga Recep Tayib Erdugon ayaa amray in diyaarado sida gar gaar caafimaad iyo dhaqaatiir ay si deg deg ah ugu ambabaxaan magaalada Muqdisho si ay gurmad ugu sameeyaan shacabka Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay weerarkii argigixiso ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Warbaahinta Dalka Turkiga oo soo xiganaya afhayeenka xafiiska Madaxweynaha Turkiga waxa ay shaaciyeen in diyaaradahan ay saacadaha soo socda u ambabixi doonaan magaalada Muqdisho ayagoo sida daawo iyo dhaqaatiir .

Gurmadka waxa ay walaalaha Turkiga uga qeyb qaadan doonaan laba siyaabood oo tan koobaad ay tahay iney gurmad caafimaad oo deg deg ah ugu sameeyaan dadka magaalada Muqdisho iyo tan labaad oo ah in dhaawacyada kuwooda culus loo qaado dalka Turkiga si loogu soo daweeyo ayadoo aanan lagu xireyn dhaawacyadaas wax dal ku gal ah (VISA).

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...