Guddoomiyaha Maxkmadda Sare oo Shaqada ka Joojiyey 18-Garsoore

Date:

Muqdisho (SONNA) Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Garyaqaan Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa soo saaray wareegto shaqada uu kaga joojiyey 18 Garsoore oo ka hawl gala maxkamadaha gobolka Benaadir iyo degmooyinka hoos-yimaada.

Lix Garsoore oo Xeer Madaxweyne ku magacawnaa ayaa ka mid ah Garsooreyaasha shaqada laga joojiyey waxa ayna kale yihiin; Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Benaadir, Guddoomiyeyaasha Maxakamadaha Degmooyinka Cabdicasiis, Xamar Jajab iyo 3 Garsoore oo ka hawl gala Maxkamadda Gobolka.

Waxaa kale oo shaqada laga joojiyey 3 Garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Racfaanka Gobolka, Guddoomiyaasha maxkamadaha degmooyinka Shangaani, Yaaqshid, Dharkeynley, Xamarweyne, Dayniile iyo 4 Garsoore oo ka tirsan maxkamadaha degmooyinka Xamar Jajab, Dayniile, Yaaqshid iyo Dharkeynley.

Tallaabadan uu qaaday Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa waxaa looga gol leeyahay in laga dhabeeyo ballan qaadkii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in dib u habayn lagu sameeyo nidaamka Garsoorka dalka oo muddo dheer shacabku ay si wayn u dhaliilsanaayeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...