Guddoonka aqalka sare oo baajiyay kulan ay lahaayeen si ay tacsida ula qeybsadaan shacabka

Date:

Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo lahadlay SONNA ayaa sheegay in la baajiyay kulan ay lahaayeen Golaha.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in ujeedka ay u baajiyeen kulankaasi oo su’aalo lagu weydiin lahaa Wasiirka Diinta iyo Awqaafta uu yahay sidii ay shacabka Soomaaliyeed ula qeybsan lahaayeen tacsida.

Waxaa uu shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyey dadkii ku dhintay qarixii foosha xumaa,isagoo eebe uga baryay dadkii dhaawacmay in uu bogsiiyo.

Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqey in ay la shaqeeyaan ciidamada Ammaanka si loo baajiyo dhig dadka shacabka ah oo ay si micno daro ah ay u daadinayaan kooxaha argagixisada Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...