Argagixisada Daacish oo laga qabsaday Magaalada Raqa ee Syria

Date:

MuqdishO(SONNA) Howlgal military oo koxda Daacish looga sifeynayo meelaha ay kaga sugan yihiin Dalka Syria ayaa in muddo ah soconayaya, iyadoo maleeshiyaadkaasi la sheregayo in looga adkaaday dagaalka magaalada Raqqa.

Xoogagga Dimoqraaddiga ee Suuriya oo gulufka kula jira Daacish ayaa sheegay in ay la wareegeen degmadii ugu dambeysay ee magaaladasi ku taala halkaasi oo ay ku xooganaayeen Falaagaga argagixisada ee Daacish, taasina waxay ka dhigaysaa in guud ahaan gacantoodi ay ku jirto m,agaalada Raqqa.

Dhinaca kale war ka soo baxay talisyada, isbahaysiga uu hoggaaminayo Mareykanka ee taageera ciidamada Suuriya, kuwa Kurdiyiinta  ayaa iyagana dhankooda sheegay inaysan xaqiijin karin in magaalada qaddiimiga ah laga saaray kooxda ISIS.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaalka Raqa, kooxaha la socoday dagaalka Syria ayaa iyaguna dhankoodawaxaa ay sheegayaan  in 90% ay ciidamadu la wareegeen magaalada balse aysan weli qumaati ula wareegin,

Kooxda Daacish ayaa u muuqanaysa in ay tahay koox gabalkeedi uu sii dhacayo,waxaana soconaya howlgalo military oo ballaaran si looga sifeeyomeelaha ay kaga sugan yihiin dalalka Ciraaq iyo Syria.

Militariga Ciraaq ayaa sheegay in koxda Daacish ay ka qabsadeen magaaladii u dambeysay oo ah Tal-Caafar, kadib howlgalo military oo soconayay amuddo todobaadyo ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda...

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax...

Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay guulaha DFS ay ka gaartay dimuqraadiyeynta iyo dib-u-habeynta garsoorka

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...