Soomaalida Kunool Masar oo u dabaal degey Ciidul-Adxa+Sawirro

Date:

Muqdisho(SONNA) Iyadoo ay maanta tahay maalin farxadeed islamarkaasina Caalamka Islaamka looga dabaaldegayo Munaasabadda Ciidul-Adxaa, ayaa  Masjidda Waaweyn ee Magaalada Qaahira ee Dalka Masar waxaa saakay si wadajir ah looga tukaday Salaada Ciidul-Adxaa oo ahayd munasabad qiima weyn u leh dhamaan shucuubta islaamka.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool qaahira caasimadda Masar iyo qaar kamid ah ajaanibta kale ee muslimiinta ah oo kunool dalkaasi gaar ahaan Caasimadda Qaahira ayaa saaka iyagana Salaadda Ciiddul Adxa ku oogay garoonka weyn ee suuq Sayaaradka halkaaso ay tahay goob aan sidaasi uga fogeyn xaafadaha ay Soomalida dagan yihiin.

Dadka ayaa waxa wejiyadooda ka muuqday farxad iyo reynreyn, waxaana ay isugu hambalyeynayeen munaasabadda ciida, iyadoona ciidani ay dadka muslimiinta ah ee ilaahay wax siiyay uga faa’iideystaan in ay ka farxiyaan dadka danta yarta ee aan waxba heysan.

Ugu dambeyn Soomalida ku dhaqan magaalada Qaahira ee dalka Masar waxa ay umadda Soomaaliyeed ay lee yihiin ciid wanaagsan, iyagoo umadda Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan u rajeynayaan inay munaasabadda ciiddul Adaxa sanadkan sanadkiisa ku gaaraan Nabad, Basha Bash iyo Barwaaqo.

Wariyaheena Masar Mowliid Xasan Cabdi

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mas’uuliyiin ka socda xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo la kulmay wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS

Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Xafiiska Hantidhowrka Guud ee...

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo guddoomiyay shir muhiim ah

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Sulaymaan Maxamed Maxamuud...

Guddoomiyaha golaha shacabka iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Shirka wasiiradda Maaliyadda dalalka afrika oo lagu soo gaba-gabeeyey Afrikada dhexe

Waxaa Magaalada Bangui ee caasimadda dalka Afrikada Dhexe lagu...