Sidee maanta looga ciiday Magaalada Khartoum?+SAWIRRO

Date:

Khartoum(SONNA):–Kumanaan kun oo ka mid ah Shacabka magaalada Khartoum ayaa saaka markii uu waagu baryey u dareeray masaajidda iyo goobo kale, si ay ugu soo tukadaan salaada ciidul Adxaa.

Jaaliyadda iyo Ardayda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalkane Suudaan gaar ahaan Magaaladda Khartoum, ayaa Salaadii ciida ee manta waxaa ay muslamiinta kale ee walaalahood ah kula tukadeen goroonka kubadda cagta ee ku yaala gudaha Jaamaadda Afrika.

Salaada ka dib ayaa waxaa wadooyinka magaalada Khartoum isugu soo baxay dadweyne fara badan oo isugu jira Rag, Haween iyo Caruur intooda badan ku lebisan dhar qurux badan oo noocyo kala duwan leh, waxayna iskugu hambalyeynayeen munaasabada ciidda.

Guud ahaan magaalada Khartoum ee Caasimadda Dalka Suudaan ayaa is weyn looga dareemayay damaashaaka iyo dabaaldaga munaasabada ciida Al-adxa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...