Howl-galo ka dhan ah Al shabaab oo ka socda Gobolka Shabeelaha hoose

Date:

Bashiir maxamed Yuusuf oo ah Gudoomihaya Amniga iyo siyaasadda Maamulka Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha hoose oo la hadlay Radio Muqdisho Codka Jahmuuriyada Soomaaliya ayaa sheegay in ay socdaan dhaqdhaqaayo ka dhan ah Maleeshiyaadka Nabad diidka ah ee Al shabaab.

Bashiir maxamed Yuusuf ayaa tilmaamay tani in ay qeyb ka tahay gulufka dagaal ee maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al shabaab looga saarayo deegaanada faro ku tiriska ah ee ay kaga harsan yihiin Gobolada Dalka gaar ahaan deegaanada shabeelaha hoose.

Waxaa uu sheegay Bashiir maxamed Yuusuf Gudoomihaya Amniga iyo siyaasadda Maamulka Degmada Baraawe  in ay Gobolka ka jirto abaar saamayn ku yeelatay bulshada deegaanada shabeelaha hoose in kastoo ay jiraan deeqo la gaarsiiyay dadka ku nool Gobolka shabeelaha hoose hase ahaatee aysan ku filnayn marka loo eego baahida ay qabaan bulshadu.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali oo ka...

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC)...

Taliyaha guutada lixaad ee qaybta 60-aad oo tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan guutada lixaad

Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka...

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa...