Roob lagu diirasaday oo ka da’ay Gobolka Mudug

Date:

oob ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ku nool Gobolka mudug ee bartamaha Dalka ayaa  saacadihii lasoo dhaafay waxaa uu ka da’ay deegaano ka tirsan Gobolkaasi.

Roobkaan oo biyo dhigay waraha ay biyiu galaan ayaa shalay ilaa Xalay galin hore ka da’ay deegaanada Magaalada Gakacyo ee Xaruunta Gobolka Mudug iyo deegaanada dhaca koonfur bari Gobolka Mudug halkaasoo ay ka jirtay abaar saamayn Xooggan ku yeelatay dadka reer miyiga ama xoola dhaqatada ah.

C/risaaq Maxamed Axmed Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Galkacyo ayaa soo sheegaya in roobkaa uu saacadihii laga soo gudbay ka da’ay  magaalada iyo deegaanada duleedka ka ah Galkacyo.

Inta badan Gobolada Dalka ayaa waxaa ka jirta abaar xooggan taasoo gabi ahaanba saamaysay qeybaha kala duwan ee bulshada waxaana ugu darnaa deegaanada hoos yimaada Maamulada Galmudug iyo koonfur galbeed Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...