Wasaaradda Difaaca XFS oo sheegay in la xoojinayo dhismaha Ciidamada Qaranka

Date:

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhigga Mudane C/laahi Colaad Rooble iyo wafdi uu hogaaminayeyoo maalmaaanba ku sugnaa gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dowladdu ay wado qorshe balaaran oo lagu xoojinayo dhismaha ciidamada Qaranka.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa kormeeray xarumaha ciidamada amaanka ay ku leeyihiin magaalooyinka Buuleburde iyo Maxaas oo katirsan gobolka Hiiraan, waxeyna la kulmen saraakiisha hogaamineysa ciidanka.

Wasiir C.laahi Colaad Rooble ayaa xusay in dhismaha ciidanka oo la xoojiyaa ay sahleyso in ciidanka ay si wanaagsan u gutaan waajibaadkooda, kana hortagaan Cadowga.

Masuuliyiinta wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa dhawaanahaan waday howlo lagu dar dar galinayo dhismaha ciidamada Qaranka, iyaga oo socdaalo ku tagay gobolo dhowr ah oo dalka kamid ah.

Waxaana jira in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay la wareegeen deegaano iyo degmooyin badan oo dhaca koonfurta iyo bartamaha Dalka oo markii hore maleeshiyaadka nabad diidka ah ee Al shabaab ku dhibaatay jireen dadka rayidka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...