Wasaaradda Difaaca XFS oo sheegay in la xoojinayo dhismaha Ciidamada Qaranka

Date:

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhigga Mudane C/laahi Colaad Rooble iyo wafdi uu hogaaminayeyoo maalmaaanba ku sugnaa gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dowladdu ay wado qorshe balaaran oo lagu xoojinayo dhismaha ciidamada Qaranka.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa kormeeray xarumaha ciidamada amaanka ay ku leeyihiin magaalooyinka Buuleburde iyo Maxaas oo katirsan gobolka Hiiraan, waxeyna la kulmen saraakiisha hogaamineysa ciidanka.

Wasiir C.laahi Colaad Rooble ayaa xusay in dhismaha ciidanka oo la xoojiyaa ay sahleyso in ciidanka ay si wanaagsan u gutaan waajibaadkooda, kana hortagaan Cadowga.

Masuuliyiinta wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa dhawaanahaan waday howlo lagu dar dar galinayo dhismaha ciidamada Qaranka, iyaga oo socdaalo ku tagay gobolo dhowr ah oo dalka kamid ah.

Waxaana jira in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay la wareegeen deegaano iyo degmooyin badan oo dhaca koonfurta iyo bartamaha Dalka oo markii hore maleeshiyaadka nabad diidka ah ee Al shabaab ku dhibaatay jireen dadka rayidka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israa’11l oo lagu qabtay magaalada Jowhar.

Boqolaal shacab ah ayaa maanta isugu soo baxay waddooyinka...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xariga ka jiray laamiga Nasiib buundo ee Degmad Shibis.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr.Xasan Maxamed Xuseen...

Bannaanbax looga soo horjeedo damaca YH-da Israel oo ka socda degmada Afgooye. 

Bannaanbax weyn oo si nabadeed u dhacay ayaa maanta...

Madaxweynaha JFS oo ka hadlay mar kale faragelin Israa11l ee madax-bannaanida Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...