Wasaaradda Beeraha Soomaaliya oo sheegtay in ay wado Qorshayaal looga hortagaayo Saamaynta Abaarta

Date:

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xaamud Cali Xasan oo wareysi gaara siiyay Warbaahinta Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in ay wasaaraddu wado qorshayaal wax looga qabanaayo saamaynta abaarta ka jirta Dalka.

Xaamud Cali Xasan wasiir ku xigeenka wasaaradda beeraha Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in abaarta inta badan ka jirta deegaano ka tirsan Gobolada Dalka hada ay marayso heerkii ugu sareeyay taasoo saan xooggan ku yeelatay Xoola dhaqatada iyo beeralayda Soomaaliyeed ku nool Dalka.

Waxaa uu sheegay Wasiir Xaamud in Wasaaradda beeraha xukumadda Soomaaliya oo kaa shanaysa Beesha Caalamka ay ka go;an tahay wax ka qabashada xaaladda abaarta soo wajahday bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dadka xoola dhaqatada iyo beeralayda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...