Wasaaradda Beeraha Soomaaliya oo sheegtay in ay wado Qorshayaal looga hortagaayo Saamaynta Abaarta

Date:

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xaamud Cali Xasan oo wareysi gaara siiyay Warbaahinta Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in ay wasaaraddu wado qorshayaal wax looga qabanaayo saamaynta abaarta ka jirta Dalka.

Xaamud Cali Xasan wasiir ku xigeenka wasaaradda beeraha Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in abaarta inta badan ka jirta deegaano ka tirsan Gobolada Dalka hada ay marayso heerkii ugu sareeyay taasoo saan xooggan ku yeelatay Xoola dhaqatada iyo beeralayda Soomaaliyeed ku nool Dalka.

Waxaa uu sheegay Wasiir Xaamud in Wasaaradda beeraha xukumadda Soomaaliya oo kaa shanaysa Beesha Caalamka ay ka go;an tahay wax ka qabashada xaaladda abaarta soo wajahday bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dadka xoola dhaqatada iyo beeralayda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeer ku sameeyay Ciidamo loo diyaariyay Xuska Todobaadka Xorriyadda

Guddiga Qaranka ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, oo...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan la Qaatay Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Qadar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war kasoo saartay duqaymo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...