Howlgallo amni xaqiijin ah oo laga fuliyay Degmada Buur-hakaba

Date:

Maamulka Degmada Buur-hakaba ee Gobalka Baay ayaa faahfaahin ka bixiyay howgallo amni xaqiijin ah oo laga sameeyay  deegaano hoos yimaada Degmada.

Guddoomiyaha Degmada Buur-hakaba Maxamed Nuur Ibraahim oo gordhow la hadley Radio Muqdisho ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid looga hortagayay dhagaraha ay maleegayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, isla markaana lagu xoojinayo Nabadgelyada Degmada.

“Howlgalka waxaa laga fuliyay meel degmada u jirta 15 km, oo lagu sheegay inay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, balse markii ay ciidamada halkaasi ku baxeen, waa ay isaga carareen kooxihii Nabad diidka ah ee deegaanka ku soo dhuuntay, mana jirto cid lagu soo qabtay” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada.

Mudane Maxamed Nuur Ibraahim ayaa sheegay in Degmadu aysan ka jirin adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo kuwa kale oo aas aasiga u ah nolosha beni’aadamka, waxaana uu intaa ku daray inay xoogga saarayaan sidii ay dib u soo celin lahaayeen adeegyada bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda...

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax...

Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay guulaha DFS ay ka gaartay dimuqraadiyeynta iyo dib-u-habeynta garsoorka

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...