R/Wasaare Khayre oo ka Tacsiyeeyey Geeridii Marxuum Gen. Badmaceeye

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Saraakiil iyo Siyaasiyiin ayaa ka qeyb galay salaadda Janaasada ee Marxuum Gen. Maxamed Sheekh Cismaan (Badmaceeye) oo dhowaan ku geeriyooday dalka Mareykanka.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tacsi u diray eheladda, qarabada iyo guud ahaanba bulshada Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumku, isagoona ALLE uga baryey in uu naxariistiisa janno ka waraabiyo.

Marxuumka ayuu ku tilmaamay Ra’iisul Wasaaruhu inuu ahaa shaqsi qiimo weyn ku dhex lahaa Ciidanka Xoogga iyo guud ahaan-ba dalka. Waxaanu yiri “Innaa LI-LAAHI, wa innaa ILLAAHI RAAJICUUN. Marxuum Jen. Maxamed Sheekh Cismaan (Badmaceeye) ILLAAHAY (SWT) ha u naxariisto, wuxuu ahaa nin weyn oo dalka iyo dadkaba qiimo ugu fadhiyay, Ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday iyo kuligeen-ba ILLAAHAY (SWT) Samir iyo iimaan haka siiyo”.

Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khaye ayaa sheegay in Marxuum Jeneral Badmaceeye uu ahaa shaqsi jecel wadankiisa. Isla markaana uu

kamid ahaa Saraakiishii Ciidanka XDS oo nidaamka dawladnimada ee Soomaaliya kaalin fiican ka soo qaatay.

 —DHAMMAAD—-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga ayaa guddoomiyay shir looga hadlayay xakameynta hubka sida sharci darrada ah dalka ku soo gala.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Cutubyo ka tirsan Xoogga Dalka oo gaaray deegaanka Raas Kambooni ee Jubbada Hoose

Iyadoo si habsami leh ay dalka uga socoto la...

Mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda Socdaalka oo ka qeybgalay aqoon iswaydaarsi uu soo qaban qaabiyay Urur Goboleedka IGAD

Mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare & Safiirka Shiinaha oo yeeshay kulan miro dhal ah

Guddomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...