Madaxweynaha Puntland oo Abaalmariyey Qeybo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Amaanka

Date:

Madaxweynaha Dowlada goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa abaalmarino Magaaladda Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ku guddoonsiiyey Qeybo kamid ah Saraakiisha Ciidamada gaar ahaan ciidamada ilaalada Xeebaha   iyo booliiska maamulkaasi.

Abaalmarinta  uu Madaxweynaha Maamulka Puntland gudoonsiiyey qeybo kamid ah Saraakiisha ciidamada waxa ay ka dambeeysay  kadib markii ciidamada amaanka Puntland ay fashiliyeen weeraro iyo qaraxyo la doonayey in lagu dhibaateeyo Ummadda Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidamada Dowlad goboledka Puntland Janaraal Saciid dheere,  ayaa sheegay in abaalmarinadan ciidamada ay ku mutaysteen shaqooyinka dhibka badan ee har iyo habeen ay hayaan, waxaana uu xusay in cutubyada la dagaalamayo Maleeshiyada Argagixisada ah ee Alshabaab ee jooga jiida hore ee Difaaca  markooda la abaalmarin doono.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka  Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay in ciidamada u baahanyihiin daryeel iyo dhiiri gelin, si ay cadowga uga guuleystaan, waxaana uu ugu mahadceliyey difaaca ay kaga jiraan goobaha cadowga goor walba lagula dagaalamo.

Waa markii ugu horreysey oo munaasabad noocan ah loo Qabto cutubyo katirsan Ciidamada amaanka Puntland oo tan iyo bartamihii bishii aan kasoo gudubney heegan lageliyey,  kuwasi oo howlgalo lagu guuleystay ka sameeyey Magaaladda  Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xuutiyiinta oo gantaal la beegsaday Tel Aviv iyo xasuuqa Israel oo weli ka socda Gaza

Milatariga Israel ayaa sheegay in gantaal laga soo tuuray...

Wasiirka Amniga XFS iyo mas’uuliyiin kale oo kormeerey dugsiga tababarka Ciidamada ee degmada Garbahaarey

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha ee...

Hindisahaan waa Rajada iyo Hiigsiga Soomaalida’ (WARBIXIN)

Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan daah-furay...

Madaxweynaha JFS oo Ganacsatada ku Bogaadiyay sida ay uga go’antahay hirgalinta Mashruuca Muqdishada Cusub

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...